Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamo Itoobiyaan ah oo Lagu Weeraray Duleedka Berdaale
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Oct 14 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Lagu Weeraray Duleedka Berdaale
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 14 October 2008

 

Berdle,(insidesomalia.org)- Wararka naga soo gaaraya Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta uu dagaal xooggan ku dhexmaray duleedka Degmadaas Ciidamo Itoobiyaan iyo Xoogag hubeysan oo jidka u galay.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ay jidka u galeen Xoogagga ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya iyo siyaasadda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Dad ku sugan degmada Berdaale oo aan la xiriirnay ayaa waxay sheegeen in dagaalkaas oo ahaa mid xooganaa uu geystay khasaare labada dhinac ah, inkastoo ay ka gaabsadeen in ay sheegaan inta uu la egyahay baaxadda khasaaraha ay labada dhinac isu geysteen.

 

Xaaladda Degmada Berdaale ayaa haatan kacsan, waxayna dadka degmadaas ku dhaqan ka baqayaan in ay dhinacyada dagaallamaya dirirtooda la soo galaan Magaalada, kadibna ay sidaas dhibaato ku soo gaarto.

 

Degmada Berdaale ayaa waxay noqotay marin ay sii maraan Ciidamada Itoobiya marka ay u socdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyo marka ay dalkooda ku noqonayaan, waxayna taasi keentay in uu maanta markii seddexaad duleedka Degmadaas ka dhaco Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Itoobiyaan iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >